Sheeko Taxane ah: Midaan Maagaba, Maxaa loo Mehersadaa?.

0
669

Qeybta 1aad
Hani Waxay ahayd gabar da’ dhexaad ah, Dhuubo weyd aan ahayn, Hilib Balaaranna aan lahayn, Dherer xigeen ah, Midabkeedu maariin yahay, waxay ahayd gabar dabeecad furan, inkastoo qof kasta aaney hadalka iyo kaftankaba la saan qaadin.
Waxay ka dhalatay qoys Ahlu diin ah, nolol dhexe oo aad u wanaagsanna ku nool, inkastoo agoonimo ay ku soo barbaartey, hadana marna ma dareemin geerida aabaheed.
Waxbarashada waxay ka gaartey ilaa heer dugsi dhexe, mana sii wadin, sababo la xiriira howlaha guriga oo looga maarmi waayay darted.
Wax badan Hani waxay ku fekereysay in mustaqbalkeeda ay dhisto, ayna noqoto qof hela lamaane nolosha ay la wadaagto, aqalna ay wada dhisaan, hase yeeshee dhibaatadu waxay ka taagneyd uma suuro gelin cidii ay la saanqaadi lahayd, taasi ayaana keentay in ay ku dhiiran weyso in reer ay yeelato.
Maalin maalmaha ka mid ah Hani oo gaari Bl ah saaran, kuna socoto xaafada habaryarteed, si ay booqasho iyo iska war helid ugu tagto ayaa gaarigii waxay isku barteen wiil dhalinyaro ah, kadib markii gaariga oo ciriiri ahaa uu u baneeyay meeshii uu fadhiyay, isagoo dhinac uga sikadey.
Wiilku waa wiil dhalinyaro ah, weji furan, isla markaasina aad u degen. Waa nin sheeko badan oo hadalka deeqsiiya dadka, wuuna hadal dabacsan yahay.
Hani, isla markii ay aragtay dareenkeeda waxbaa iska bedelay, hadana kuma dhiiran karto in ay hadalka ku bilowda xishood dumarnimo darted, hadana wey dareensan tahay in qalbigeedu qofkani aqbalo, mana garan karto sababta.
Haddii cabaar la socday ayaa hadal uu ka dhex bilowdey. Wiilka oo dhoola cadeynaya ayaa ku yiri Gabadhii “Abaayo, iska dulqaado, iyadaaba mar dhow qofba meeshuu rabey markuu gaaro iska degeyaaye”.
Iyadoo dhoola cadeyneysa ayay ku tiri Waa run”. Waxaa furmey kadib kaftan iyo wada hadal, kaasi oo keenay in xoogaa sheekada la iska sugo, hadal debecsan la iskula hadlo.
Mudo markii la sheekeystay ayaa xoogaa la isu soo dhowaadey, iyadoo si mar kale loo kulmana lagu balamay in la isa sii xiriiriyo, kadib markii la isu sheegay qof kasta waxa uu qabto iyo meesha laga heli karo. Waxaana ka dhalatay in isku deegaan la noqdey, tilmaan la isa siiyay ka gadaal, waxayna sii fududeysay in kulankooda dambe iyo isla xiriirkooda uu sahlanaado.
Iyadoo sidii loo sheekeysanayo ayaa la soo gaarey halkii ay rabeen, waxaayna ku balameen in berito galab ay kulmaan, si xiriirkan ugubka ah ay u sii ambaqaadaan, sidaasi ayaana lagu kala tagay.
Qof weliba si gaar ah ayuu u arkayay kulankan bilowga ah oo ku yimid sida kediska ah, isla markaasina
Waa socotaa
LA SOCO QEYBTA LABAAD