HAMI CAASHAQ, Qeybta 1aad

0
825

Hordhac:
Sheekadan HAMI CAASHAQ oo ah sheeko Jaceyl ah, waxa ay 1996 ku soo baxdey wargeyska DANJIRE oo ka mid ahaa wargeysyadii dalka ka soo bixi jirey, aadna loo aqrisan jirey, sheekadu oo aqristayaal badan ay ku xirnaayeen, mar kale ayaa sheekada codsiyo badan darted sanadkii 2000 looga sii daayey Idaacada Radiyo Banaadir, waxaa qorey Maxamed Cali Maxamuud (Madka), waxayna ka mid tahay sheekooyinka faraha badan ee qoraaga uu qorey, isla markaasina ay naga codsadeen aqristayaasheena in aan u soo daabacno. Waana texgeliney codsigooda.
Hadaba la socod wanaagsan.
Qeybta 1aad
Waa arooryo axadaad, cirka waxaa isku gadaamey daruur, waxaa dhaceysey neecaaw qaboow oo ka imaaneysay dhinaca bari ee xigta badweynta Hindiya.
Sagal, waxa ay ku socotey gurigeda, waxayna ku beegneyd waqtigii laga soo rawaxayay dugsiyada, waxay dhigataa fasalka 3-aad ee dugsiga dhexe, waa gabar da’ dhexaad ah, Midabkedu waa Maariin asli ah oo soo jiidasho leh, ma dheera, waa dherer xigeen, waxay leedahay timo jilicsan oo nooca casuuska ah, dhabarkana ku siman, cirid dugul ah, sanqaroor dheer iyo suniyo qafiif ah oo la moodo gacan ku sameys.
Haddii ay waqti socotey ayay markii ay ilinka gurigooda soo gaartey la kulantey muuqaal ay ka argagaxdo, waxay indhaha ku dhufatey nin da’ dhexaad ah oo dhididaya, misna ku hubeysan mindi dhiig uu ka da’ayo ayaa si carar ah kaga soo baxay, culeys weyn ayaa ku habsadey, naxdin balaaran ayaana ku beerantey.
Dhowr Su’aalood ayay durbadiiba maskaxdeeda is weydiisay, muuqaalkii ay la kulanteyna wuu walaac geliyey, waxayna niyada iska tiri: “Tolloow muxuu ninki ahaa…?!!!!.

hami
Iyadoo luudeysa oo aaney garaneyn sidey tahay ayay aqalkii si cago jiid ah ku gashay, misna wax dhaq-dhaqaaq ah gudaha aqalka kama jiro, Naxdintii iyo Cabsidii heysay ayaa ku sii labo labo kacleysay… Iyadoo argagixii uu ka batay ayay ku qeylisey… “Hooyo, Hooyo, …. Aabe… Aabe, Hooyo,….Yaa joogo… Maxaa dhacay, side wax u jiraan..” iyadoo daneyneysay in ay hesho sida ay wax u jiraan ayay dhowr jeer ku cel-celisay, Hase yeeshee ma helin cid u Jawaabta.
Waa ay yaabtey, waxayna bilowdey in ay hadba dhinac u cararto guriga, Waxaana xilligaasi guriga ku sugnaa Aabaheed iyo Wiil la dhashay iyada oo fadhi barad ahaa, Hooyadeed iyo labo wiil oo iyada la dhashayna dibada ayay guriga uga maqnaayeen.
Sagal Sidii ay marba dhinac ugu Carareysay, marna meel u eegeysay, ayay mar dambe soo gashay qolkii fadhiga, markiise ay madaxa gelisey qolkii ayay qaracantey, waxay rumeysan weydey muuqaalkii indhaheeda ay qabteen, Indhaheedii ayay sacabada saartey, waxay la kulantey…..
Waa Socotaa
La soco Qeybta labaad ee Sheekada
Waxaa Qorey
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
madkacali@hotmail.com