Sheekada Runtu waa xal dhab ah, qeybta 1aad

0
855

Qeybtii 1aad.
Markii ay dhamaatay qado sharaftii naloo sameeyay ee casuumaadda ahayd, ayaa naloo goglay qolka fadhiga ah si aan u Qayilno, maalintaasna, dadkeynaan la casuumay waxaan aheyn Afar qofood oo kala ahaa, Anigoo ah Naasir, Cumar, Barni iyo Faadumo, waxaana na casuuntay Asli oo goor dhoweyd ka timid dibadda. Asli waxay si aad ah isugu dhawaayeen Cumar iyo Faadumo oo ay dibadda isla joogi jireen, Aniga, Cumar iyo Asli-na isku Iskuul ayaan ahayn isku fasalna waan ahayn.
Guriga na lagu casuumay waxaa iska lahaa Marwo Suleeqa oo habar-yar u aheyd Asli, Marwo Suleeqa waa naag dheer oo da’ dhexaad ah, jir ahaana buuxda, waana casaan dhiig furan, waa qof aad u qurux badan oo ayna ka muuqato degenaansho iyo asluub, waana naag dabeecad ahaan fur-furan oo bashaash ah, aad u kaftan badan, waana xaasle oo labo caruur ah leh, guriga na lagu casuumay ayay degen yihiin iyada iyo ninkeeda, ninkeeda ayaana iska leh guriga.
Marwo Suleeqa waxaa qaba Muuse oo ay ilmaha u dhashay, Muuse waa nin da’da afartameeyada ku jira, waana nin aad u degen oo qunyar socod ah, wuxuuna wax ku soo bartay dalka Mareykanka, isagoo ku soo taqasusay maadada cilmi Nafsiga(Phsycology), wuxuuna ka shaqeeyaa wasaarad ka mid ah wasaaradaha dalkeena.
Waxaan fadhiisanay qolkii naloo goglay oo aad u qurux badnaa, waxaana naloo keenay Qaadkii iyo Cabitaankii qaboobaa ee na loogu tala galay, intii aan kala qeybsaneynay qaadkii ayaa waxaa nagu soo biiray labo Hablood oo ay ka muuqato in ay yihiin dad ladan oo dhaqaale fiican heysta, waxayna xirnaayeen dhar bilicsan oo ah nooca qaaliga ah, waxay ahaayeen sida mar dambe naloo sheegay, Hablo la qabo oo xaaslayaal ah, labadii hablood mar allaale iyo markii ay salka dhulka dhigeen ayay dalbadeen in ayagana loo doono qaad iyo sigaar.
Cabaar markii ay hablihii fadhiyeen ayay Marwo Suleeqa ka codsadeen in labaro dhallin-yaradeena meesha fadhida, waana nala baray labadii hablood ee nagu soo biiray.
Markii cabaar la kala aamusnaa, ayaa Haboon oo labada hablood midood ahayd intey si fiican noo eegtay ayay hadana Marwo Suleeqa eegtay, “Dad lagu kalsoonaan karo ma yihiin dhallinyaradaan?” ayay weydiisay Marwo Suleeqa oo
meesha fadhiday.
Marwo Suleeqa intey na eegtay ayay iska aamustay, waxaana ku adkaatay in ay ka jawaabto su’aashii la weydiiyay waayo Marwo Suleeqa aqoon fiican nooma lahayn, waana markii ugu horeeysay oo aan kulano, Asli oo ahayd gabadhii na casuuntay, ayaa intey ilka cadeysay tiri, iyadoo ka jawaabeysa su’aashii la weydiiyay Habaryarteed “Waa lagu kalsoonaan karaa dhallinyaradaan, waana la aamini karaa”.
“Anigaba sidaas ayaan is lahaa sida wejiyadooda ka muuqata” ayay tiri Haboon, iyadoo na eegeysa, “Kolley waa dad mas’uuliyiina oo reer magaal ah” ayay tiri Naagtii kale ee la socotay Haboon.
Marwo Suleeqa iyadoo na eegeysa ayay madaxa ruxday, wayna istaagtay waxayna u baxday bannaanka, daqiiqado kadibna waxay soo noqotay iyadoo sida labo Marduuf oo qaad ah iyo labo baako oo sigaar ah, waxayna u dhiibtay labadii hablood ee meesha nala fadhiyay, wayna fadhiisatay.
Labadii hablood markii ay kala qaateen marduuf ee qaadka ahaa, ayay bilaabeen in ay kala shaandheeyaan, intii ay ku mashqulsanaayeen qaadkii ayaa Haboon oo ka mid ahayd hablaha tiri, “Abaayo Suleeqa naga ilaali dadka oo yaan naloo soo gelin”
“Oo waayo..!!, yaad ka baqeysaan?” ayay Marwo Suleeqa weydiisay hablihii.
“Walaahi cid aan ka baqeyno ma jirto, laakinse ma jeclin in nalagu arko qaadka” ayay ku jawaabtay Haboon, intey Marwo Suleeqa ilka cadeysay ayay tiri iyadoo eegeysa hablihii “Oo haddii la idinku arko qaadka, maxaa la idinka qaadayaa…?” “Walaahi cid wax naga qaadeyso ayaaba iska yar, balse ma jeclin in nalagu arko, waayo waxaan nahay dad waaweyn oo mas’uuliyiin ah ..” ayay la soo booday Naagtii kale ee la socotay Haboon, waxaana la keenay shaahigii iyo cabitaankii dhinnaa, qof welibana waxa uu ku mashquulay qaadkiisii…..

Waa Socotaa,
La soco Qeybta2-aad ee Sheekada
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)