Ka Faa’iideyso Xigmadahan La Xiriira Duruusta Nolosha.

0
800

1- Kama dhex arki kartid sawirkaaga hummaagiisa biyo kulul dhexdood. Sidoo kale, ma arki kartid xaqiiqda iyo qiimaha naftaada markii aad careysan tahay. Jooji xanaaqa.
2- Dadka Qalbiga Jilicsan ma aha nacasyo ama doqomo, way garanayaan waxa dadka ku sameeyeen, laakiin way cafiyaan, sababtoo ah waxay leeyihiin Qalbi nadiif ah oo qurux badan.
3- Si kastoo gurigaagu u weyn yahay, Gaarigaagu ama baabuurkaaga u sareeyo una yahay nuucyada ugu dambeeya ama keyd badan oo lacag ah Banki kuu yaal; Qabriyadeenu waa isku cabir. U noolow si aan isla weyni & kibir lahayn.
4- Marnaba ha ka quusan waxa aad si dhab ah nolosha u rabto. Way adag tahay in la sugo, balse waxaa ka sii daran in laga shalaayo.
5- Noloshu waxay macno badan yeelataa markii aad garowsato xaqiiqda fudud ee ah in fursad isku mid ah aysan laba jeer ku soo mareyn. Ka faa’iideyso fursad kasta.
6- Qofka sida dhabta kuu jecel wuxuu kaa hor istaagaa inaad Dambi sameyso. Qofka cadowgaaga ahna wuxuu ku baraa inaad Dambi sameyso. Kala baro dadka.

La soco Qeyb kale
Waxaa Diyaariyey
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Muqdisho, Soomaaliya