Taariikhda Shirib Shiidle, ShabShable iyo Shiribka Reer Xamarka. Qeybta 1aad.

0
231

Waxaa Diyaariyey
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)
Muqdisho, Soomaaliya
madkacali@hotmail.com
Bah suugaaneedka loo yaqaan shiribka, waxay u kala kacdaa noocyo kala duwan, waxayna manta si dhab ah uga jirtaa gobolada labada Shabeele iyo Hiiraan, Farac hoosaadka Shirib Shiidlaha oo mwaduucan aan uga hadleynaahi ku saabsan yahay, waxaa isaga laga yaqaan deegaanka degmooyinka Jowhar iyo Balcad, wuxuuna u sii qeybsamaa labo nooc.
Magaca “Shiidle” ee bulshada shiribkan ku dhaqantaa wuxuu ka soo jeedaa ayaa la yiri “Shiid Leh” oo ka tarjumaya dhaqanka bulshada beeraaleyda oo ah mid isticmaasha Shiidka. Qoys, Bulsho ama dad kasta oo beeraley ah marka la tilmaamayo waxaa la yiraahdaa waa dad leh Shiid iyo Shaambaay.
Labada nooc ee uu Shirib Shiidlaha uu u kala kaco, dadka qaar si wanaagsan uma kala qeexaan, inkastoo miisaankooda iyo qaabka loo fuliyaba ay kala duwan yihiin. Nooca loo badan yahay ee jaanta leh, laguna ciyaaro Rogog (Istaag) iyo socod intaba, waxaa laga yaqaan deegaanka Shiidlaha oo dhan, Wuxuuna la nooc yahay Shiribka Reer Xamarka. Run ahaantii taariikhda kuma cadda sida ay u kala qaateen labada qolo Shiidle iyo Reer Xamar, waxayna dadka qaaarkiis xusaan In ay ku horeeyeen Reer Xamarka.
Tilmaamaha uu noocani uga duwan yahay midka kale oo ay isku Shirib Shiidlaha yihiin, waxaa ugu mudan oo tusaale la cuskado noo noqon kara in ay isla shiribkaan wadaagaan labo bulsho oo deegaankoodu kala duwan yahay, kuna kala nool miyi iyo magaalo.
Waxaa iyana xusid mudan in isla noocan ay ka bowsadeen bulshooyinka Shabeelaha dhexe, laakiin ay ula baxeen, una sameysteen luuq tiisii hore ka bedelan.
Bulshada Shabeelaha dhexe ee dhulkoodu Carro cadka yahay shirib kale oo dhowr nooc u kala kacaya ayaa waqti haatan laga joogo boqol iyo labaatan sano, ninla dhihi jirey Cali Bariise oo degenaa dhulka Dooyga loo yaqaan oo Barri ka ah Jowhar shiribkaan u gudbiyey bulshada Barri. Cali Barriise wuxuu aad u yaqiin dhaqanka Shiidlaha, Wuxuuna kala bartey Noocyada Shirib Shiidlaha, kadibna midkii socodka lagu ciyaarayay ayuu jeclaadey, una rogey nooc bulshada Barri xiiso gelin kara.
Cali Wuxuu Shiribkaan ku magacaabey ShabShable, Wuxuuna u sameeyay Luuq iyo Jaan ka duwan kuwii hore.
Waa Socotaa
La soco Qeyb kale