Ila Qosol: Nimankii marqaanka ahaa…

0
428

Laba nin oo mirqaansan ayaa habeen madoow looga tagay god loo diyaariyey meyd..dhaxan daran oo jirtay daraadeed. labadii nin midna iilka ayuu galay.. midkii kalana waa isaga soo tagay goobtii..
Waxoogaa kadib waxaa la keenay meeydkii oo la sido.. waxaa la is weydiiyey labadii nin .. waase la waayey.
Oday ayaa godka galay, kii jiifay iilka ayaa la soo booday Man rabbuka?.. Odaygii kuyeh wali lama soo dhigin meydka.. waase soo socdaa.. oo dabadeed hal haleel uga soo baxay qabrigii..isagoo anfariirsan….markuu dibadda yimid kadib kuyeh Allaheey waa Alle.. Nabigeeygana waa Muxamed.. kannaase looga fadhiyaa..intuu meeydkii si dhab ah u eegay Kuyeh marya Caddoow wallee waraa kuu yaal..

Sheekadan waxaa Qorey:
Abuukar Salaad Diiriye