Sheekada Runtu waa xal dhab ah Qeybta 2aad.

0
442

Qeybta 2aad
Markii cabaar la kala aamusnaa oo ay hablihii gowska ku bilaabeen qaadkii, ayaa Marwo Suleeqa si degan ku tiri: ” Ma leydin ku ogyahay qaadka…? ”
Maya … Bismilaahiye..! mana lagu oga…! ayay la soo booday Naagtii kale.
”Walba Nimankiina ma idinku ogyihiin ….? ayay Marwo Suleeqa hadana weydiisay.
”Maya ..! waxa dhan oo aan ka carareyno sow ma aha in ayba nimankeena ogaadaan”. ayay tiri Naagtii kale iyadoo fiigsan.
” Miyeysan, Nimankiina ayana cunin qaadka..? ayay hadana weydiisay hablihii.
” Koley Anigu Ninkeyga ma cuno qaadka” ayay tiri Naagtii kale.
”Anigana, Ninkeyga waa muqayil weyn” ayay tiri Haboon ”Balse anigu ma jecli in uu igu ogaado qaadka” ayay hadana Haboon raacisay hadalkeedii.
Cabaar markii la kala aamusnaa, ayay Marwo Suleeqa si degan u tiri ” Habooney waa lagaa qaad wanaagsan yahay” Haboon intey eegtay qaadkii saaxiibteed ayay tiri ”Oo waayo.. Anigu ma jecli qaadka gaagaaban, balse waxaad raacsan tahay, sida ii muuqata qaadka gaagaaban” Marwo Suleeqa intey Ilko cadeysay ayay tiri ” Qaadka dhaadheer qaad ma aha haddii uusan ahayn Gaangeete” waxaan wada eegnay Marwo Suleeqa, Anagoo booska isku weydiineya in ay qaadka cunto iyo in kale.
”Abaayo maad soo fadhiisatid oo qaadka nala cuntid..? ayay tiri Naagtii kale iyadoo eegeysa Marwo Suleeqa ” Mise martinimadaa nagu dhowreysaa ..? ayay hadana raacisay hadalkeedii iyadoo weli eegeysa Marwo Suleeqa.
”Mahadsanidiin Abaayo waqti aan cuni jiray qaadka way jirtay balse waan iska dhaafay hadda ma cuno..”ayay Marwo Suleeqa ugu jawaabtay Naagtii kale.
”ilaa iyo goormaad moog tahay oo aadan cunin qaadka..? ayay hadana weydiisay. ” ilaa iyo muddo saddex sanadood ah ” ayay Marwo Suleeqa ku jawaabtay.
”Abaayo Suleeqa, Nasiib baad leedahay ee sidee isaga goysay qaadka, aan annagana iska goynee bahalka..” ayay tiri Haboon iyadoo dooneysa inay ka faa’iideysato sidii ay Marwo Suleeqa isaga goysay qaadka.
Intey Marwo Suleeqa ilka cadeysay ayay tiri ” Koley, mid aan anigu iskey isaga gooyey qaadka ma ahan, laakinse sida aan isaga daayey qaadka, haddii aan idiin sheego, wallee idin kana waad iska deyn lahaydeen oo lama dhuumateen qaadka…”
”Oo miyaad la dhuuman jirtay qaadka” ayay Naagtii kale weydiisay Marwo Suleeqa, ”Hay xasuusin … beerkaa i huraayee…. haddii aan dib u xasuusto tii iga raacday cunista qaadka…” Aaaa .. Bal fiirsha sida uu jirka dhan ii dubaaxayo… !!! markii aan xasuusto wixii aan kala kulmay cunista qaadka….? ayay hadana tiri Marwo Suleeqa iyadoo eegeysa gacanteeda.
” Oo miyaad ku jiratay qaadka …?” ayay Haboon weydiisay Marwo Suleeqa.
”Jiraaba ii rooneyd .. Bisinkee ee ..! ayay tiri Marwo Suleeqa, ”Jiradaaba ii rooneyd aaa ….” ayay tiri Naagtii kale iyadoo fajacsan ” Walaahi waa wax la yaab leh…! ayay hadana Naagtii kale raacisay hadkeedii iayoo la yaaban hadalka ay tiri Marwo Suleeqa.
” Abaayo bal nooga sheekey wixii aad kala kulantay cunista qaadka” ayay hadana Naagtii kale tiri iyadoo fadhiga qaabsameysaneysa oo weli yaaban.
Marwo Suleeqa intey cabaar aamustay, oo dhamaanteen isha nawada marisay, ayay tiri ” wax laga sheekey karo ma aha ee maad iga deysaan…”
waa la wada aamusay, waxaana naga soo haray yaab, waxaana isweydiiney in ay Marwo Suleeqa kaftameyso iyo in kale, hadana waxaan is tusnay in ay Marwo Suleeqa ka didsan tahay cunista qaadka.
”Habar yar, haddii aadan iskaa isaga deyn qaadka oo aadan ku jiran, ee …” intey tiri Asli ayay aamustay iyadoo hadalka qabyo ka dhigtay, ”Habar yar hadana waxaa noo muuqato in aad ka naxday markii lagu yiri nala cun qaadka” ayay hadana Asli raacisay hadalkeedii ” marka habar yay, waxaan kaa codsanaynaa in aad nooga sheekeysid wixii aad kala kulantay cunista qaadka, adigoo na sharfaaya, naguna tixgelinaya in aan kuu nahay Marti..” ayay Asli iyadoo ka codsaneyso habar yarteed Suleeqa, bal in ay nooga sheekeyso wixii ka qabsaday cunista qaadka, maalintaa ayay carabka ku dhufatay….
Waa socotaa……
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)