Sheekada Runtu waa xal dhab ah, qeybta 3aad

0
676

Qeybtii 3aad.

“Ninka aan ilmaha u dhalay, waa midka aan hada is qabnee, markii aan is guursaneynay waan cunaayey qaadka, Sigaarkana waan cabaayey, waxaana qaadka iyo Sigaarkaba bartay waqtigaas oo waxaan cunaayey labo bilood oo kaliya”.
“Oo ma qaadkaa isku barateen adiga iyo ninkaaga…?” ayay la soo booday Naagtii kale, iyada oo ka dhex gashay sheekadii ay noo waday Marwo Suleeqa.
“Maya, Aniga iyo Ninkeyga isku ma baran qaadka, waxaa is keyn bartay gabar aan saaxiibo ahayn oo hada dibadda ku maqan” ayay Marwo Suleeqa ugu jawaabtay Naagtii kale, waxayna halkii ka sii wadatay hadalkeedii ”Markii ay is keyn bareysay Aniga iyo Ninkeyga, ayay gabadhaasi u sheegtay in aan ahay gabadh wanaagsan oo wax balwad ah haba yaraatee aanan lahayn, sida gabdhaha hada jira.
Wixii markaasi ka dambeeyeyne waan kala dhuuman jiray balwadayda, seddex bilood kadibna waan is guursaney, isagoon ogaan in aan wax balwad ah leeyehay iyo in kale, waxaana degnay gurigaan aan hada joogno, kadibna halkii ayaan ka sii watay balwadeydii oo ahayd cunista qaadka oo aan si waalan isu raaciyey, waxaana caado ka dhigtay in aan u qayilo maalin dhaaf si aysan u dhicin in uu i fahmo Ninkeyga in aan cuno qaadka, waxaana ku qayili jiray xaafad aan leyga aqoonin.
”Oo Ninkaaga ma ku fahmi jirin miyaa galbaha aad maqan tahay..?” ayay Haboon oo meesha nala fadhiday weydiisay Marwo Suleeqa.
”Maya … oo sidee buu ii fahmayaa.. waaba ku tala galay in aan leyba fahmin” intey tiri Marwo Suleeqa, ayay sheekadii halkii ka sii waday.
”Ninkeyga wuxuu ka shaqeynaayey welina ka shaqeeyaa wasaarad ka mid ah wasaaradaha dalkeena…. waana Agaasime, wuxuuna shaqada ka imaan jiray labada duhurnimo (2:00), markii uu qadeeyana waa uu noqon jiray, wuxuuna imaan jiray habeenkii todobada fiidnimo (7:00) oo caado u ahayd, marka laga reebo galbaha Khamiista iyo Jimcaha oo uu guriga ku qayili jiray, Anigana waxaan bixi jiray markii uu qadeeyo oo uu u noqdo shaqadiisa galabtii waxaana soo noqon jiray Maqribkii, markii aan soo qayilo, si aan u sii qubeysto intii uusan Ninkeyga imaan ka hor.
Guriga aan ku qayili jiray oo aad uga fogaa xaafadeyda, wuxuu ahaa guri fillo ah oo ay dhalinyaro iskaabulo ah oo kaliya deganaayeen, mana dad badneyn gurigaasi, waxaana ahayn, dadka meeshaasi ku qayili jiray, seddex wiil oo guriga degganaa iyo seddex hablood oo aan anigu ka mid ahaa, seddexdeena habloodna, waxaan ahayn Naago la qabo oo Xaasleyaal ah, Naag welibana waxay lahayd wiil saaxiib u ah oo ay la qayili jirtay.
”Oo Adigu saaxiib ma lahayd…? ayay weydiisay Naagtii kale Marwo Suleeqa.
”Haa … oo wiilbaan saaxiib la ahaa oo welibana aan la Tuman jiray galbihii aan qayileyno..” ayay ku jawaabtay Marwo Suleeqa.
”Oo habar-yar Adigu markaasi, ma lagu qabay…? ayay Asli weydiisay habar-yarteed.
”Haa … oo muddo labo sano ah ayaan saaxiib ahayn wiilkaa, Anigoo ley qabo” ayay tiri Marwo Suleeqa iyadoo hoos u foorarto.
”Mana aysan ogeyn wiilkaa iyo saaxiibadiisaba in ley qabo, waayo waxaan ugu sheekeeyey in aan ahay qof madax banaan oo Garoob ah” ayay hadana Marwo Suleeqa raacisay hadalkeedii.
”Oo habar-yar hablaha kale ma ku ogaayeen in lagu qabo…? ayay hadana Asli weydiisay habar-yarteed.
”Waaan is wada ogeyn hablaheena meesha ku qayila in nala wada qabo..” ayay tiri Marwo Suleeqa.
Markey cabaar aamusneyd oo ay aragtay inaan su’aal kale la weydiinayn, ayay Marwo Suleeqa halkii ka waday sheekadii ”Wiilka aan saaxiibka ahayn iyo asxaabta kalaba, waa kuwa aan isla qayilnee, waxaan kula xiriiri jiray Telefoon ku jiray guriga aan ku qayili jiray oo ay degenaayeen wiilasha, Anagana waxaa noogu jiray Teleefoonkaan oo hada agtiina yaala, laakiinse anigu ma barin asxaabteyda dhamaantoodbaTeleefoonkeyga, waxaana u sheegay in aan Teleefoon lahayn, balse guri xaafada ka mid ah aan ka soo diro Teleefoonka, mar marna aan ka soo diro farmashiyayaalka marka aan soo adeeganaayo, waayo waxaan iska ilaalin jiray, haddii ay asxaabteyda ii soo diraan Taleefoon in uu ka qabto Ninkeyga kadibna ay sidaa ku ogaadaan in ley qabo….
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)