Sheekada Runtu waa xal dhab ah, qeybta 4aad

0
548

Qeybtii 4-aad.
”Cajiib…..! waxaan iska ilaalin jiray in Asxaabteyda ay ogaadeen in ley qabo..!” ayuu yiri Cumar oo sheekada wax ka dhageysanayey, isagoo la yaaban hadalkaa ay tiri Marwo Suleeqa, ”Oo Ninkaaga inuu marnaba ku ogaado kama cabsi qabin miyaa..? ayuu hadana raaciyey hadalkiisii.
Marwo Suleeqa intey ilko cadeysay ayay halkii ka sii wadatay sheekedii iyadoo eegeysa Cumar, madaxana u ruxeysa, ” si aan ii fahmin in aan cuno qaadka, ayaan qorshe fiican u degsaday, maalmaha aan qayilaada aadayo, waxaan sida badan qaadan jirey Taksi, waxaana uga degi jirey Taksiga jid-cadaha seddexaad oo meel wax yar ka fog guriga aan ku qayilo, si uu xitaa Taksiilaha u garan guriga aan u socdo, waayo waxaa dhici karta in Taksiilayaasha qaarkood ay is yaqaanaan Ninkeyga, Taksiga aan maanta qaato maalin kale ma qaadan jirin, mar marna waxaan raaci jirey Basaska BL-ka ah.
”Wallaahi Suleeqay qatar baad tahay oo maskax badan baad adeegsatay…!” ayay tiri Haboon oo aad ula yaaban sheekada Marwo Suleeqa.
”Wallee, Aniga sidaa uma fikiri lahayn…” ayay tiri Naagtii kale.
Intey Qososhay Marwo Suleeqa ayay halkii ka sii waday sheekadii iyadoon wax jawaab ah u celin hablihii, ”waxaana caada ii ahayd markaan aadayo qayilaada inaan mar walba Boorsada ku sito (wato) Caday, Catar iyo Xanjo si aan isugu qariyo markii aan soo qayilo ama aan sigaar soo cabo, sigaarkana waxaan cabi jiray marka aan qiyilaayo kaliya.
”Oo haddii aadan qayilin labo maalmood iyo in ka badan miyaadan cabi jirin Sigaarka…? ayay Naagtii kale weydiisay
”Maya ma haweysan jirin Sigaarka maalmaha kale oo aan qayileynin, xataa Ninkeyga oo habeenkii ku qiyili jirayu guriga mar kuu ii soo shid Sigaarka i yiraahdo intaan far iyo Suul ku qabto Sigaarka iskana fogeeyo qaaciisa sidii qof uu dhibayo sigaarka oo kale ayaan u soo shidi jiray isagana wuu ila yaabi jiray markuu arko sidaan u dhibsanayo Sigaarka.
”Oo hal marna lagaa ma shakin miyaa..? ayay Naagtii kale tiri
Marwo Suleeqa intey nawada eegtey ayay Cunigii korka u saarnaa dhinaceeda fariisisay ayay tiri iyadoo ilka cadeynaysa ” Muddo labo sano ah ayaan sidaas ku socday laakinse labo mar ayaan sigta, markii saddexaadna waan ku dhacay shabaqa.
”Luuqluuq marow laasin laamiga …” ayuu la soo booday Cumar oo aad ugu kacsanaa hablaha noocaas oo kale. waa la wada qoslay cabaar ayay dadkii sheekadii dhageysanayay wada kaftanay waxaana dhx maray dood anagoo u kala safanay Rag iyo Dumar, ugu danbeyntiina Marwo Suleeqa ayaa halkii ka sii waday sheekadii ” Galab galbaha ka mid ah ayaa Ninkeygii markuu qadeeyey doontay qaad wax shaqo ahna ma uusan lahayn galabtaasi, balse iima uusan sheegin aniga inuu joogayo galabtaasi, mar allaala iyo markii uu albaabka ka baxay ayaan anigana ka daba baxay oo aan iska aaday qayilaadeydii igasana intuu qaad soo qaatay ayuu iska fadhiistay guriga, gabar-yar oo noo joogtayna shaahigii iyo wixii kale uu u baahnaa u diyaarisay halkiisa ayuuna iska fadhiyey ilaa maqribtii aan ka soo laabto mana warsan gabadhii yarayd halkii aan aaday.
”Oo maad Teleefon u soo dirtid gabadha…? ayay tiri Naagtii kale iyadoo naxsan oo dhidideysa.
”Waxaasi oo dhan ayaanba ka soo horjeeday waayo waxaa dhici karta in Asxaabta aan la fadhiyo in ay bartaan Teleefonkeyga ama uu iga qabto Ninkeyga oo iaga soo hor maray ayay ku jawaabtay Marwo Suleeqa.”
”Bal noo wad sheekada sideed ku badbaaday maalintaas…? ayay weydiisay Asli oo aad u xiiseyneyso sheekada.
”Sideed ku badbaaday aa…? intey tiri Marwo Suleeqa ayay madaxa ruxday iyadoo hoos u jeeda galabtaasi waxba ma ahayn ee waa leygaga darnaa maalintaas”. ayay hadlkeedii hadana sii raacisay.
Waxayna halkii ka sii waday sheekadii ”Galabtaasi waxaan imid maqribtii sidii caadada ii ahayd waxaana albaabka iigaga hortimid gabadhii yarayd oo nala joogatay waxayna ii sheegtay inuu Ninkeygii yimid markii aan baxay Galabta uuna iska qayilaayey.
”Ma i kaa warsaday ..? ayaan ku iri gabadhii yareey, anigoo naxsan oo tartaraya, waayo waxaan is weydiinayay, waxa ay ku tiri markii uu i weydiiyey, waxaana i galay shaki iyo walaac , waxaana i weydiiyey dhowr Su’aalood.
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)