Xigmad Sabab u noqotey in Nin Kirishtaan ahaa uu Muslimo

0
802

Nin Kirishtan ah “Christian” ayaa waxa uu gurigiisa ku cazuumay nin Muslim ah , waxa uu hordhigay canab, ninkii Muslimka ah wuu cunay, kadib waxa uu u keennay khamri, waa uu diiday, waxa uuna ku sheegay inay xaaraam tahay .
Ninkii Kirishtaanka ayaa yiri, waan la yaabay Muslimiinta, wax ayey xalaaleysteen, waxna way iska xaaraam yeeleen.
Waxa uu sidoo kale yiri ” khamriga waxaa laga sameeeyay canabka aad cuntay !”.
Ninkii Muslimka ayaa si degan u jawaabay oo yiri ” xaas ma leedahay” , ninkii waxa uu yiri “Haa” .
Ninkii Muslimka ayaa mar kale yiri, xaaskaaga u yeer si ay u timaado , waxaase uu sii raacsaday su’aal aheyd , gabar ma dhashay ?
Ninkii Kirishtaanka ayaa ku jawaabay , Haa.
Ninkii Muslimka ayaa yiri , si la mid ah u wac inantaada.
Kadib markii fadhigii ay ku sheeko wadaagayeen ay yimaadeen xaaska iyo inanta ninka Kirishtaanka, ayaa ninkii Muslimka ah yiri, Allah waxa uu kuu xalaaleeyay tani oo ah xaaskaaga, waxa uu kaa xaaraam yeelay tani oo ah inanta aad dhashay… iyadoo la ogsoon yahay in gabadhu tahay mid aad ka dhashay xaaska kuu dhaxday !
Ninkii Kirishtaanka ahaa ayaa madasha ku islaamay, kagana dhawaaqay Ashahaadateenka ” Ash hadu an la ilaha ill Allah wa ash hadu anna Muhammedan Rasoolullah”.

Alldulqaadka.com