Haddii aad Rabto in dadku ay kaa kala Yaacaan, Sidan sameee.

0
910

Haddii aad Rabto in dadku ay kaa kala Yaacaan oo ay kugu jees-jeesaan markaad dhabarka u jeediso- ku camal fa tilmaamahaan:

  • Qof ha siisin fursad uu ku hadlo.
  • Ku hadal hadal aan kala go’ lahayn xagga nafsadaada.
  • Haddii Feker uu kugu soo dhaco, iyadoo ay qof kale hadleyso, ha sugin inta uu ka dhameynaayo hadalkiisa, isagu sidaadoo kale ma aha dhugle fariid ah, maxad isaga dhumin waqtiga dhegeysiga sheekadiisa macno la’aanta ah?
    Dhex gal marka uu hadlaayo, iska hor tag isagoo hadalka dhexda uga jira.

Ma Taqaanaa dad taladaas ku camal fala?… Anigu waan aqaanaa, Nasiib darrose waxaa la yaab ah in qaarkood magacyo muuqda ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.
Nikolas Botlar (oo gudoomiye ku ahaa Jaamacada Kolombiya), Wuxuu yiri: “Ninka ka hadla naftiisa keli ah, waa nin ku fekeraya naftiisa keligeed, Ninka ku fekera naftiisa keligeedna waa qof Jaahil ah oo u baahan in loo tacsiyeeyo, waa Qof Ummi ah xagga aadamiga, Habba dhacdo in uu tacliinta heer ka gaarey”.
Qoraalkan waxaa laga soo guuriyay Buugga Saaxiibo Kasbo

Alldulqaadka.com