Sheekada Runtu waa xal dhab ah, qeybta 5aad

0
452

Qeybtii 5-aad.
“Armuu la sheekeystay oo i warsaday gabadha, in aan baxo iyo in kale…?!….Haddii ay baxdo goormey soo noqotaa…?….Ma kuu sheegtay meesh ay aaday….? yay is raaceen…?.” Koley gabadhu ma oga meesha aan aado, balse waxaan ka cabsi qabay in ay ka war-bixiso bixitaankeyga galab dhaafka ahaa iyo soo noqoshadeyda Maqribyadii, waxayna ii sheegtay gabadhii yareyd in uusan weydiinin halka aan jiro, waxaan dejiyay niyadeydii, waxaan horey u galay gurigii, Anigoo toos u abaaray qolkii fadhiga oo uu fadhiyay.
“Haye Muuse Illaahey maku soo ururshay..? ayaan iri anigoo albaabka ka is taagay qolka..” Oo galabta ciyow ayaadba timide” ayaan hadana u raaciyay hadalkii, anigoo iska dhigaya qof aan warba u heynin in uu galabta oo dhan joogay oo uusan meelna aadin.
”Anigu galabta meelna ma aadin, shaqana ma lahayn, adigu Ilaah ma ku soo sama celiyay, adaa galabta oo dhan naga maqnaayee..?” ayuu iigu warceliyay isagoo si fiican ii eegaayo oo aad moodo in uu wejigeyga Akhrisanaayo.
Intaan kut isku iri (isku naxay) oo beerka oo dhan i dhaqaaqay, dhididna fax iga soo yiri, ayaan si degan u iri anigoo is adkeynaya” Al-xamdullilaah Ilaah waa i soo sama celiyay..”horayna waan ka dhaqaaqay, waxaana toos u abaaray qolkii jiifka..” Oo miyaan sii taagnaan karaa…!! waayo waxaan ahay qof galabta oo dhan qayilayay oo dhididkeygaa qulqulaya, umana dhawaan karo, oo waxaan ku soo qayilay qol kuleyl ah, biyana iskuma soo shubin, waayo waxaan is lahaa, sii qubeyso inta uusan imaanin, waxaana is hortaagay muraayadii dheereyd ee armaajada, ”Alla maxaa dhidid iga socda…! waan is ur-uriyay, mise shiirkeygaa soo gaf leh … uf.. !waxaan ku cararay musqusha, waxaana isa soo raaciyay biyo oo kaliya, waxaana is mariyay Catar oo si qafiif ah aan u is ticmaalay, si uu meel fog uga soo cartamo, si loogu maleeyo kii aan maanta duhurkii is mariyay oo sii baaba’aya, Xanjadii Afka iigu jrtay oo aan jidka ku soo cunayay intii aan soo socday waan bedelay, mid cusub ayaan afka ku tuurtay.. sida aan u sii socday agta ayaan ka fadhiistay, waxaana u sheegay in aan aaday galabta Aroos todoba bax ah wax jawaab ahna la iima celin.
“Anaaba naxay oo beerka i kala go’ay…!”ayay la soo booday Naagtii kale iyadoo fajacsan oo xabadii Sigaarka ahayd ee u shidneyd, aysan marnaba jiidin oo dabaskii dheeraana aan laga ridin oo ay gacanta ku heysatay.
”Oo aniga waaba dhici lahaa ama suuxi lahaa, sida uu kuu eegay haddii uu ii eegi lahaa aniga…” ayay hadana tiri Naagtii kale iyadoo Sigaarkii dabaska ka tuureysa dhuuqidna ku bilowday.
”Waad shakisay, anigase shaki isma geliyeen” ayay tir Haboon oo deganaansho ka muuqatay.
”Habar-yar haddii uusan waxba ku dhihin, maxaad sameysay..? ayay weydiisay Asli.
”Maxaan sameyn lahaa … aniga lee cabsi iyo shaki qabay maahee, isaga dareenkaasi kuma jirin” ayay tiri Marwo Suleeqa.
”Ninkaaga waa Nin wanaagsan oo aad kuugu kalsoon, marna haddii uusan ku weydiinin meesha aad aaday” ayay tiri Naagtii kale iyadoo aad moodo in uu culeys ka dagay.
“Maalintaasi waa markii u horeysay oo aad sigatay, markii labaadna…? ayuu weydiiyay Cumar oo isna sheekada aad u xiiseynaayay.
“Bal shaah ii shub Asliyeey iina caddeey..” ayay tiri Marwo Suleeq, iyadoo si fiican u qaab sameysaneyso fadhiga, intii loo shubaayay shaahiga ayaa waxaa dhawaaqay Telefoonka oo agteyda yiilay, oo ahaa nooca Telcom Somaliya, intaan soo qabtay ayaan u gudbiyay Marwo Suleeqa.
“Haye, waa kuma..?” ayay tiri markii ay taleefoonka qabsatay, cabaar markii ay dhageysaneysay teleefonka, ayay hadana tiri, ”waan gartay, waan ka xumahay, markii uu qadeeyay wuu noqday, laakin maxaad ku keentay hadalkaas..?” , way qososhay ”waayahay nabad galyo” intey tiri ayay iska dhigtay teleefonkii, waan wada aamusnay anagoo Marwo Suleeqa ka sugeynay in ay noo sii wado sheekada.
Marwo Suleeqa markii ay ka soo jeesatay Teleefoonkii, ayay shaahigii fiiqsi ku bilowday, dhowr jeer markii ay kabatay, ayay Miis yar oo ag yiilay iska saartay, waxay halkii ka sii waday sheekadii…..

Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)