Sheekada Runtu waa xal dhab ah, qeybta 6aad

0
263

Qeybtii 6-aad.
”Markii labaad ee aan sigtay wax sidaas u weyn ma ahayn maalintaa..?” ayay hadalkii ku bilowday Marwo Suleeqa, ”sida caadada ii ahayd maalinta aan aadayo Qayilaada, waxaan sii qubeysan jiray duhurkii intaay qadada dabka ii saaran tahay, waana isa sii diyaari jiray si aan u daahin, waayo qadada kadib haddii aan is diyaarin bilaabo waan daahayaa, maxaa yeelay saacadaha aan qayilayo ayaaba iska yaraa.
Markaa si uusan ninkeyga u fahmin in aan meel u socdo iyo in kale, ayaa waxaan xeran jiray oo aan ku noqsan jiray dharka aan shaqada guriga ku qabto, marka uu ninkeyga shaqada u noqdo ayaan dharka shaqada guriga iska bedeli jiray, horeyna waan ka dhaqaaqi jiray si uusan waqtiga iiga lumin, xitaa catarka iyo waxyaabaha kale ee aan isku carfiyo waxaan ku marsan jiray goobta qayilaada marka aan tago.
”Galab galbaha ka mid ah markuu baxay ninkeyga ayaan Anna ka daba baxay si aan u soo qayilo, Anigana galabtaasi wuxuu qorshahaygu ahaa in aan raaco Basaska BL-ka ah, haddii aan Basaska BL-ka ah raacana, waxay igu qaadan jirtay labo koorso oo xaafada ayaa fogeyd, muddo shan iyo tobon daqiiqo ah ayaan galabtaasi sugaayay Baska, markaan Baskii u horeeyay ka degay ayaan raacay Baskii labaad cabaar yar haddii uu socday ayaa la joojiyay waxaana soo fuulay ninkeyga, wuxuuna fadhiistay dhinacayga oo fadhi ka banaanaa,
”Cajiib..! wallee Suleeqay wax baad aragtay…! ayay la soo booday Haboon oo sheekadii ka dhex gashay Marwo Suleeqa.
”Haa,laakin ma garan karo ninkeeda meesha ay u socoto” ayay Naagtii kale raacisay hadalkii.
”Laakin ogaada, ninkeeda wuxuu daqiiqado ka hor uga soo tagay Guriga” ayuu yiri Cumar oo hablaha xasuusinaaya, in ay taasi shaki keeni karto.
”Wallaahi taasina waa run oo waa dhici kartaa… ma isla hadasheen ..?” ayay Naagtii kale weydiisay Marwo Suleeqa.
”Maya ilama hadlin, laakin indhaha ayuu iga salaamay intii uusan gaarigu gaarin halkii aan u socday ayaan ka degay gaariga”.
”Iska dhaaf, lacagta Anigaa bixinaaya” ayuu ku yiri wiilkii yaraa ee hanti dhowrka ka ahaa gaariga, weyna dhaqaaqeen, Anigana wax xaafadan u socdo oo kale intaan iska dhigay ayaan horey u aaday xaafadii, daqiiqado kadibna waan soo noqday waxaana horey u raacay Bas kale”.
”Oo ma xaafadaa isaga soo noqotay ..? ayay Haboon weydiisay Marwo Suleeqa.
”Maya, sideen u soo noqonayaa, qayilaad baanba u socdaayee oo aa ley sugayaa” ayay Marwo Suleeqa ku jawaabtay, waxayna halkii ka sii waday sheekadii.
”Maqribkii markii aan soo dhameystay qayilaadii sida ay caadada ii ahayd ayaan waxaan soo istaagay laamiga oo cabaar ka fogaa guriga aan ku qayilo, si aan u soo raaco Bas ama Taksi hadba kii ii soo hor maro, Anigoo weli taagan jidka dhiniciisa oo aan sugaayo gaadiidkii aan raaci lahaa, ayaa waxaa horteyda soo is taagaygaari yar oo cad oo ah Arjente, Albaabka danbe ayaana la furey ”Suleeqa.. soo fuul..? ayaa ka dhex yeertay gaarigii.
Intaan rogmay ayaan eegay si aan u ogaado qofka igala hadlay gaariga dhexdiisa, mise waa ninkeyga iyo labo nin oo kale …..! halkii aan taagnaa ayaan ka dhaqaaqi waayay, hal mar ayaa dhidid waaweyn iga soo booday, intii aan u dhaqaaqin gaariga xagiisa, ayaa albaabka hore ee gaariga la furay, waxaana ka soo tagay will dhalinyaro ah ”Dumaashi horey soo fuul anigaa gadaal fadhiisanayee ” intuu yiri ayuu gadaal fadhiistay, anna horey ayaan fadhiistay anigoo dhididaayo, Nasiib wanaagse ninkeyga wuxuu fadhiyay kursiga danbe.
waa socotaa……
La soco eyb Cusub
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)