Sheekada Runtu waa xal dhab ah, qeybta 7aad

0
315

Qeybta 7aad
“Alla Nasiib Xumadeydaa maalintaasi…!! ayay tiri Naagtii kale iyadoo ay wejigeeda ka muuqato cabsi.”
Intey Marwo Suleeqa ilko cadeysay ayay halkii ka waday sheekadii: ”Ninkii kursiga hore iiga kacay ayaa aad u warbadnaa, wuxuuna ii sheegay magaciisa iyo macaga ninka kale ee gaariga wada, balse aniga wax maskax ah uma haynin waxa la ii sheegayo….! marmarna wayba qoslaayeen oo kaftankoodaa baxayay…! miyaan maskax u hayaa….! waayo anigeyba teyda i heysataayee..! waxaan ka bixi waayay fikir iyo walbahaar, tolow maxaan sheegi doonaa…!? sidaad galabta u soo baxday miyaa…!? xaafadii aan ogaa baad ku degtee … halkana..!? saacadaan aad socotone..!? …..su’aalahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa maskaxdeyda ku dhex wareeganaayay….! waxaan ku soo baraaruugay iyadoo ley leeyahay ”Dumaashi… maxaa kugu dhacay … fikir baaba gashee…? mise gaariga wuxuu hortaagan yahay gurigeyna hortiisa…!.
”Waad mahadsantihiin” intaan iri ayaan ka degay gaarigii, waana ka dhaqaaqay.
”Dumaashi armaad soo dhawaada na leedahay …? ayaa leyga soo daba tuuray, weyna wada qosleen.
Anigoo sidaan ahay garaneyn ayaan albaabka guriga garaacay, waxaana gadaal u eegay gaarigii bal in uu ninkeyga ka soo degay iyo in kale.. mise gaarigiiba wuu dhaqaaqay, waxayna ii haatiyeen gacmaha, anna waan u haatiyey, anigoon wax tabar ah laheyn, ninkeygana horey ayuu u raacay oo soo maba degin.
Markii leyga furay albaabka guriga ayaan gabadhii yareyd su’aalo kula dhaqaaqay ”ma yimid Muuse…? goormuu yimid …? markaan baxayaa..?” gabdhii yareyd intey ila yaabtay ayay ii sheegtay inuusanba soo noqon sidii uu u baxay qadadii kadib.
Sidaan u sii socday, ayaan waxaan dalaq iri qolkii jiifka, waxaana isku kor tuuray sariirtii, waxaana noqday sidii qof ay Naftu ka baxday oo kale xubnaha jirkeygana wey tabar dhigeen, wax dhaqdhaqaaq ahna waan sameyn waayay, markaan cabaar dul iilay sariirta ayaan soo fadhiistay, ”Tolow sideen wax yeelaa…!?” ayaan is weydiiyay, waaxana i gashay cabsi weyn, ”miyuu arkaayay guriga aan ka soo baxay…? galabta oo dhan adiga miyuu ku daba joogay ….!? intaan ka is taagay sariiirtii ayaan garbasaateydii ku kor tuuray, waxaana is hortaagay muraayadii dheereed ee armaajada…
”Maxaan muraayad iskaga fiirineysaa, naxdinbaaba ku dishee..” ayay tiri Haboon oo dhidideysa.
”Alla suleeqay.. meeqa kiilo ayaa kaa go’day maalintaa..? ayay Haboon hadana raacisay hadalkeedii.
”Habar yar, maxaa shakiga badan ku geliyay……!?”ayay Asli weydiisay Marwo Suleeqa.
”Weligey leyma weydiin meesha aan u socdo iyo meesha aan ka socdoba..” ayay tiri Marwo Suleeqa ”Laakin arrimaha xun xun ee aan faraha kula jiray, dhibaatooyinka ay ii keeni karaan, haddii ay ahaan lahayd xag Marwonimo, Sumcad ahaan iyo weliba xaga dhismaha qoyskaba ayaa cabsida iyo shakigaba i geliyay hadii ley ogaado….” ayay hadana Marwo Suleeqa raacisay hadalkeedii iyadoo hoos u foorarta oo ay niyad jab ka muuqato…….
La soco qeybta kale.

Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)