Jaceylku Ma dhab baa, Ma dheel baa, Mise Waaba dhalanteed?

0
927

Jaceyl oo ah wax la dareemi karo oo aan la taaban Karin, waxaa lagu tilmaamaa Cadoow dhibaato ba’an u geysta aadanaha, hase yeeshee dunidana aanu guudkeeda saran nahay markii uu aadanuhu yimid waxa uu la kulmey dhibaatooyin faro badan oo waxyeelo u geysta dadka, waxaana la isku taxluujiyey sidii looga bixi lahaa.
Waxaa lagu guuleystey waxyaabo badan oo dadkai wax u dhimi jirey, sida Cudurada oo dawooyin loo heley, Gaajada oo ah cadow looga bad-baadey wax soo saar, iyadoo ay wax qabsadeen, waxna tabcadeen dadka.
Jaceyl oo loo aqoonsadey Cudur Dilaa ah, Wuxuu dhibaato ku hayaa Bulshada, waxaa u geeriyoodey kumanaan dad ah, halka kumanaan kalena ay waali ka qaadeen, Sida Kalgaceylkii Cilmi Boodhari ee Hodan ee uu ka tiriyey Tixo badan oo la xiriirey Hamuunta Kalgacal eek u gaamurtey.
Hal Abuurayaasha Soomaaliyeed Tixo faro badan oo ku aadan sida ay la tahay ama ay u soo wajahdey ayuu mid weliba uga Hadley, iyagoo xitaa diirada saarey sida looga cabanayo.
Abwaan ayaa yiri: “Jaceylyahoow ayaad tahay?” Hase yeeshee Mid kalaa ka daba yiri “ Culumada weyn Aduunkee, Caafimaadka Baartaay, Cudurada la dabargoyn, Caashaqana ha lagu daro”.
Waxaad moodaa hal abuurka abwaanka inuu ku qotomo Jaceylka in wax laga qabto Jaceyl oo dhibaato dadka ku haya.
Isku soo wada duub Jaceyl oo ah xaalad is diid ah oo Macaan iyo Qaraarba leh, Maanta waxaad moodaa in dhaliyarada ay u isticmaalayaan siyaabooyin aa habooneyn oo fudeyd ah, Jaceyl oo dhanna waxa uu u ekaadey mid ku eg afka baariisa, Hase yeeshee dhaliyarada waa in aysan lugahooda ku doonan cuduro aan heyn.
Waxaa Qorey:
Maxamed Cali Maxamuud (Madka)