Taariikhda Abwaan C/lle Raage Taraawiil.

0
1122

Qeybta: 1aad
Ilaah ha u naxariistee Cabdulle Raage Warsame Taraawiil, waxa uu ku dhashay duleedka Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sanadkii 1934-tii.
Cabdulle Raage Warsame aabihiis Raage Warsame waxa uu ahaa afmaal deegaankii uu ku dhaqnaa nabadoon u ah, tirinta ereyo suugaaneedkana aad ayaa loogu texgelin jiray.
Intii uu yaraa Cabdulle Raage Warsame waxa uu isa saar saari jiray tixo suugaan ah, laakiin markii uu soo hano qaadey ayuu si weyn isugu taxaluujiyay suugaan tirinstiisa,waxaana lagu tiriyaa dadka fara ku tiriska ah ee iyadoo da’doodu ka hooseyso 15-jirka sida yaabka leh uga soo baxay goobaha la isugu yimaado.
Sanadkii 1943-kii ayuu Abwaan C/lle Raage si muuqata ugu soo biiray fanka, sidoo kale 1956-kii ayuu guursaday xaaskii ugu horeeyay markii ay mudo is qabeen kaddib ayaa lagu xiray Degmada Ceelbuur ee isla Gobolka Galgaduud dabadeedna waxaa loo soo wareejiyay magaalada Muqdisho si halkaasi Maxkamad loogu saaro, hase yeeshee waa la sii daayay kadib markii lagu waayay dembigii lagu soo eedeeyay.
Allaha u naxariistee Abwaan C/lle Raage Taraawiil waxa uu ku biiray Xisbigii Libaraale ee uu Guddoomiyaha u ahaa Allaha u naxariistee Xaaji Maxamuud Maxamed Boraako, isagoo gubaabin jiray taageerayaasha Xisbiga, sidoo kale wuxuu Abwaanku ku biiray Idaacadda Raadiyo Muqdisho, waxaana lala yaabay kaalintii uu ka qaatay munaasabadihii loo sameeyay Xorriyaddii iyo Calan-saarkii Soomaalida 1960-kii taas ayaana u sahashay inuu ka mid noqdo shaqaalaha ugu firfircoon ee Radio Muqdisho, inkastoo ay jireen caqabado yaryar oo ka hor yimid.
Abwaan C/lle Raage wuxuu ahaa Mu’alif Riwaayadaha qora, Gabyaa caan ah, jilaa si aad ah loo jecleystay, waxaana ka mid ahaa Riwaayadihii kuu soo qeyb qaatay (Shabeel Naagood) oo uu isagu Aktar ka ahaa uuna lahaa Abwaan Xasan Sh.Muumin, (Yaxaas Dhegaduub) oo uu lahaa Sangub, (Dhagax iyo dab) oo uu lahaa Cali Sugulle iyo Riwaayado kale oo aad u fara badan.
Marxuum Abwaan C/lle waxaa sanadkii 1968-kii loo magacaabay “Radio Artiste” oo kulminayay Madaxa Raadiyaha Walaalaha Hargeysa iyo Radio Muqdisho, sanadihii 1964-kii waxa uu kaalin mug leh ka qaatay dagaalkii lagula jiray dalweynihii Xabashida isagoo ku muteystay Bilado dhowr ah.
La soco Qeybta 2aad
Waxaa Qorey: Mohamed Ali Mohamud(Madka)
Email; madkacali@hotmail.com