Sheekada Runtu Waa Xal dhab ah, Qeybta 9aad,

0
998

(Qeybtii-9-aad)
”Waayahay ee bal noo wad sheekada” ayay tiri Haboon.
”Galab galbaha ka mid ah” intey tiri Marwo Suleeqo oo koobkii shaagi ahaa ay gacanta ku heysay iska dhigtay ayay mar kale fadhigii qaab sameysatay, waxayna gashay Fikir dheer, waxayna bilowday inay dhidido, cabbaar markii aan aamusneyn oo aan ka sugeyno sheekadii, iyadiina ay fikir ku maqan tahay, ayaa Naagtii kale la soo booday ”Suleeqa…! Maxaa kugu dhacay fikirbaadba gashee…?.
Intey Marwo Suleeqo indhaha kala qaaday sidii ruux hurdo ka soo kacay oo kale, ayay hadana mar kale inshaha nala raacday iyadoo ilka cadeyneysa, waxayna halkii ka sii waday sheekadii, ”Galab galbaha ka mid ah sidii ay caadada ii aheyd ayaan baxay si aan u soo qayilo, waxaana u fariistay qayilaadii, anagoo ahayn, waa dadkeynii qayilaayee, seddex hablood iyo seddex wiil, oo uu qof weliba la fadhiyay qofkiisii, Aniga Suleeqaa galabtaasi wuxuu qaaka iigu baxaayay si caiib ah, waxaana xirnaa Diric qafiif ah oo aan wax kale iiga hooseyn, madaxana waa ii banaanaa, Timahana waa ii deynaayeen, waxaana i garab fadhiyey oo dhinaca isku heynay saaxiibkey oo isna xirnaa Macawuus iyo Funaanad garan ah, Muusig qafiif ahna wuu noo shidnaa, oo kooxaha kale ee meesha nala fadhiyey ma aysan maqleynin waxaan ku sheekaysaneyno anagana sidoo kale ma aanan maqleynin warkooda”.
”Waah waah…!! waxaasaa marqaan ah…!” ayay la soo booday Haboon iyadoo u riyaaqeysa habsamida loo qayilaayo.
”Asxaabteyda ayaa Tihiin wallaahi…” ayay hadana raacisay hadalkeedii iyadoo faraxdi ka muuqatay.
”Muusikada qafiifka ah ayaaba i dishay” ayay tiri Asli oo ilka cadeyneysa.
”Waa dad marqaanka daacad u ah” ayay tiri Barni oo iyadana meesha nala fadhiday oo sheekada wax ka dhageysaneysay, Balse Barni waxay ahayd qofka kaliya ee aan cunin qaadka wax balwad ahna haba yaraatee aan lahayn.
”Cajiib..!! bal noo wada sheekada” ayuu yiri Cumar oo dhididaayo.
”Maxaa ka danbeeyay hee…!!” intey tiri Marwo Suleeqa iyadoo qosol gariireysa, ayay halkii ka sii waday sheekadii ”Markaan cabaar qayilaynay oo ay sheekadu isku dhiintay, anigana ay taqsiintii ii taagan tahay, timahana ay ii deysan yihiin oo ay barkood ku daadsan yihiin wiilka ila fadhiya xabadkiisa, barka kalena ay ku daadsan yihiin duudkiisa, oo aan barkanahay garabkiisa xabad sigaar ahna ay ii shidan tahay, dhididka iga qulqulaayana aadan maleyn karin jawiga qolkana uu aad u degan yahay, dhawaqa Muusikada ee noo shidnaa oo dhagaheyna ku soo dhaca yahay mooyee aadan shanqar kale maqleynin ayaa waxaan maqlay ”Waan leydin salaamay ” oo cod nimeed ah waxaana si aan dareen lahayn isha ugu dhuftay nin sii fadhiisanaya kursi fadhi ah oo iga soo horeeday, yiilayna albaabka qolka laga soo galo dhiniciisa bixida ah, hoos ayaan uga jeestay anigoo daneyneynin qofka uu yahay, waayo looga ma baran guriga lagumana yaqaan soo gelgelida dadka faraha badan, intaan sigaarka si fiican u jiiday ayaan mar kale eegay qofka soo galay qolka, iyadoo qaaca sigaarku si fiican uga sulsul leehayay afkeyga, waan naxay.. oo qac ayaan isku iri …!! hoosna waan u jeestay ” ”Alla qofku ma Muusaa …? ayaan is weydiiyay anigoo shakisan ” ”maya ma dhici karto .. mana aha ninkeyga …!!” ayaan hadana isku qanciyay, mana i maanayo ninkeyga meeshaan oo kale” intaan iri ayaan hada si fiican u fiiriyay si aan u hubsado in uu yahay ninkeyga iyo in kale.
”Nacam…. waa isagii …” labada indhood waan isku dhufanay..!!
La soco qeybta kale

Waxaa Qorey:

Abshir Cali Warsame