Sheekada Runtu Waa Xal dhab ah, qeybta 10aad

0
1501

Qeybtii-10aad
”Waan isla gariiray…! dhulka oo dhanbaa ila dhaqaaqay…! hoosna waan uga jeestay anigoo aad isku koontaroolaya si uusan ii fahmin wiilka ila fadhiya iyo asxaabteyda kalaba, waxa dhaqdhaqaaq ah oo leygu dareemana ma sameyn, oo kama boodin fadhigeygii kamana kicin garabkii wiilka aan la fadhiyay oo aan barkanaa.
Anigoo weli isla gariiraya ayaan hadana eegay oo mar kale ayay hadana indhaheyna isku dheceen…! dhabarkaa i kala go’ay…! oo jirkoo dhanbaa i dubaaxiyay…! anigoo ah sidii ruux ay naftu ka baxday oo kale ayaan hoos u jeestay…! waxaana Ilaah ka baryay in uu ila gooyo halka aan fadhiyo… ama uu nafta iiga qaado meesheyda..! waayo maxaan sheegi doonaa…! Silacaan iyo fool xumadaanba anigaa is badee…! ”Ilaahow ceebteyda astur… ma asturnee…!” ayaan niyada ka iri, waxaan kaloo Ilaah ka baryay, inuusan ninkeyga igu hor ceebaysanin, sharafta iiga qaadin dadkan aan la fadhiyo hortooda.
Waxaan ku soo baraarugay iyadoo uu ila hadlaayo wiilkii ila fadhiyay ”Naa ha isku gubin Sigaarka…! ma marqaantay …?” intuu i yiri, ayuu Sigaarkii aan gacanta ku heystay iga qaaday ” Bal fiiri….! Tinteeda wey gubatee…!” ayuu haddana raaciyay hadalkiisii, isagoo jafaya tinteyda.
”Alla waxa uraya ma Tinteedaa…? uf..!” ayay tiri Naag ka mid ahayd Naagaha nala fadhiyay meesha ”Naa Suleeqa…! Maxaa ku helay..? ayay hadana raacisay hadalkeedii.
”Ma Tin iyo wax gubanayaan u jeedaa…! Anigeyba teyda i heysataaye…! oo ay balaayo faraqa ii gashee…!.
Halkii aan fadhiyay anigoon ka dhaqaaqin, ayaan hoos isu eegay…! mise lugaheygii wey bannaan yihiin…! oo Diricii iigu jiray wuxuu ii joogaa hoos…!! waxaa i jareeyay cajaradii, waxaana cajaradeyda ku tifqaayay dhididkii iga socday.
Si tartiib ah oo degan ayaan hadane u eegay Ninkeyga, mise hoos ayuu u jeedaa, isagoo isku mashquulinayay Joornaal uu gacanta ku heystay… waxaan isha mariyay Asxaabtii kale ee meesha fadhiyay, bal inay wax is bedel ah oo xageyga dareemeen, ayagaaba isku mashquulsan oo warba nooma hayaan, si tartiib ah ayaan u jiitay diricii, waxaana dabooshay lugihii anigoo isla gariiraya, wadnihii baa si xad dhaaf ah ii garaacay… anigoo dhanba dabbaa igu shidmay oo hal mar ayuu jirkeyga oo dhan isla huray…, waxaana igu beermay cabsi iyo welwel… waayo sow dhibaato weyn ma’aha, maxaase ka xun adigoo Naag Marwo ah oo sharaf leh, oo wax balwad ahna aan laguugu ogeyn, laguuguna maqal… uu Ninkaaga ku soo dul istaago, adigoo meel xun oo aan munaasib ahayn dhex fadhiya, cunaayana qaad, isla markaana ku naban (ku dhegan) Nin kale, adigoo weliba qaawan…! maxaase ku jawaabi lahayd haddii uu ku weydiiyo.. ”Sidaana waa maxay..?”
”Alla aabow…! Aniga wadnaha ayaaba i istaagi lahaa…!” ayay la soo booday Naagtii kale iyadoo naxsan oo aad moodo Naagta uu Ninkeeda soo dul istaagay in ay iyadu tahay.
”Tuh-Tuh-Tuh…!” intey tiri Naagtii kale ayay Tuftey qaadkii Afkeeda ka buuxay, ”Ilaahow iguma ogid saacadaan iyo wixii ka danbeeyaba…!” intey haddana tiri, ayay istaagtay waxayna u baxday banaanka.
Naagta kale, walow aan magaceeda Xasuusneyn, waa Naag da’ dhexaad ah oo dhiig furan, oo gaabin xigeen ah, mana qurxana, balse waa Naag dhaqaale fiican heysata, sida ka muuqata, balse waxay ka mid tahay Naagaha la qabo oo Xaasaska ah ee Muqayiliinta ah lana dhuunta qaadka iyo balwaddooda kale ee u gaarka ah…..
La soco qeybta kale
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame