Taariikhda Abwaan Cabdulle Raage Taraawiil, qeybta 2-aad

0
1151

Qeybta 2aad 

Sanadkii 1974-kii waxaa loo bedelay Radio Hargeysa, isagoo loo magacaabay Guddoomiyaha Fanka W/Galbeed, wuxuuna bedelkaasi ka tiriyay ilaa Toddobo Gabay, sanad kaddibna wuxuu ku soo laabtay magaalada Muqdisho, waxaana loo magacaabay Guddoomiyaha shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta, kaddibna uu iska casilay markii ay is qabsadeen isaga iyo Abwaan Shareeco.

        Allaha u naxariistee Abwaan C/lle waxay Soomaalidu ku xusuusataa Gabayadiisii u badnaa Gobanimadoonka iyo la dagaalanka Gumeysiga madow gaar ahaan dagaalkii dhex maray Soomaalida iyo Itoobiya sanadihii 1977 ilaa 1978-kii. wuxuu kaloo ka qeyb galay Bandhig faneedyo caalami ah, sida kii lagu qabtay magaalada Lagos ee dalka Nayjeriya 1978-kii kaasoo ay ka soo qeyb galeen 37-Dowladood oo Afrikaan ah, wuxuuna ka galay kaalinta Koowaad taasoo uu ku muteystay abaalmarin caalami ah iyo Billad, Gabaygii uu halkaas uga qeyb galayna waxaa lagu magacaabaa Dhambaal.

        Horaantii 1980-kii waxa uu si aad ah u duray hab dhaqankii Kacaanka, isagoo si toos ah uga hor yimid qorshihiisii guracnaa taas ayaana sababtay in xabsiga la dhigo, dabadeedna lagu sameeyo jirdil gaarsiiyay inuu xabsiga ku dhameysto Isbitaal Digfeer.

         Abwaan C/lle Raage Allaha u naxariistee Gabayada sida weyn loogu xusuusto waxaa ka mi ah: Duqa haloo sheego, Arrin walaacday, Marmarsiimo hadal, Saaqid, Qof u yaal iyo kuwo kale oo tiro badan, waxa uu si aad ah uga hor yimid sidii bahalnimada lahayd ee ay u dhaqmeen Jabhadihii Hubka qaatay, kuwaasoo ka daray Xukuumadii kali taliska ahayd ee uu horayba uga qeyliyay Abwaanku.

        Taariikhdu waa dhaxal ma dhammaato weligeed, qof kastaana wuu dhiman, Abwaanku waxa uu geeriyooday bishii Maarso sanadkii 2000, wuxuuna ifka uga tegay Laba Caruur ah iyo xaas.

Waa Socotaa
La soco Qeyb kale
Waxaa Diyaariyey:
Maxamed Cali Maxamuud