Sheekada Runtu Waa xal dhab ah, Qeybta 11aad.

0
1119

(Qeybta 11-aad)
Dadkeyna sheekada dhageysanaayay dhamaanteyn waan wada Naxsaneyn,waxaan wada eegeynay Marwo Suleeq, annagoo ka sugeynay in ay sii wado sheekada si aan u ogaano waxa uu sameyn doono Ninkeeda iyo halka ay ku dhamaan doonto arrintaan yaabka leh.
Intii aan aamusneyn,ayay soo noqotay Naagtii kale iyadoo soo luqluqtay soona dhaqatay wejiga,”Alla Habooney qaadka iyo sigaarkaba isku darso…aniga weyga bis…!” intey tiri ayay fadhiisatay,waxayna qaadkii ay cuneysay iyo sigaarkiiba u riixday dhinaca Haboon.
”Ilaahow fool xumadaas iyo weji fiigaas oo kale ha i soo istaajin… waan ku baryee…!” ayay hadana ku calaacashay Naagtii kale iyadoo garbasaarkeed wejiga ku tirtiraneysa kana naxsan masiibada heysata Marwo Suleeqa.
”Naa iga wad balaayada baas ha igu soo riixinee…anaaba yaabane..!” ayay tiri Haboon iaydoo fajacsan.
”Ma idinkaaba wax aragteen,wallee waxbaa idiin dhiman..” ayay Marwo Suleeqa ku tiri hablihii iyadoo ilka cadeynasa, halkii ayayna ka sii waday sheekadii.
”Anigoo yaaban oo qaadkii afka iigu jiray bar aan liqay barkii kalena aan liqi waayay, tufina waayay, si aan wax yeelo la’ahay… ayaan bannaanka dhawaaq ka yeeray,wuuna istaagay Ninkeyga”.
”Haye dhalinyaro,raalina ahaada waan sii soconayaa ee nabadee..” intuu yiri ayuu albaabka qolka ka baxay, isagoon dibna soo eegin.
Halmar ayaa oodintii igu taagneynd leyga sii bay, waxaana k booday fadhigii sidii qof la qaniinay oo kale, waxaan tufay qaadkii afka iigu jiray deg degna waan ku labistay,anigoon cidna lahadlin ayaan albaabka ka baxay, anigoon garaneynin sida aan ahay, sidaan u sii socday sii wax waalan oo kale ayaan soo istaagay laamiga waxaana ku soo dhacay Taksi.
Mar allaale iyomarkii aan albaabka ka galay guriga, ayaan gabadhii yareedee nala joogtay su’aalo kula dhaqaaqay,”Ma yimid Muuse…!? ma i kaa weydiiyay…? Muxuu ku yiri….?” waxayna ii sheegtay gabadhii iyadoo aad iila yaaban in uusan sooba noqonin sidii uu u baxay qadadii kadib.
Anigooweli islagariiraya oodhididka iyo neef dhowga iga baxaaya qofkii arkana uu la yaabaayo, ayaan qolkii jiifka horey u galay, waxaan isku kortuuray Sariirta, anigoo garaneynin waxaan sameeyo,”Oo maxaan sameyn karaa …? waxaan ahay qof danbiile ah…..” anigoo weli fikiraya oo aan wax xal ah haba yaraatee aanan heynin oo aan yaabanahay ayaa qolkii aan ku jiray dariishadiisa, dariishad ku aadan oo guriga naga danbeeya ah ayaa waxaa ka yeertay heestaan.
”Gacantaada Adigaa isku gowracayee… God Abeeso adigaa gashayooku ku go’dee….”
”Wallaahi waa runtaa…! yaan eedsadaa …? anigaa gacanteyda isku gowracay…!!” intaan iri, ayaan ka soo dul kacay sariirtii, waxaa is hor taagay Muraayadii dheereed ee armaajada, ”Alla anigaa….! Anigoo dhanba waan qayirmay…wejigeygiina wuxuu u ekaaday wax gubtay oo kale,waxaana si xad dhaaf ah iiga qulqulaayay dhidid fara badan waxaana soo gaf lahaa shiirkeyga..uf..!, waxaana taabtay Tinteyda, waxaana soo qabsaday qaar ka mid ah… Mise dab baa ku yaal oo wey gubatay, ”Alla goormey gubatay Tinteyda…?” ayaan is weydiiyay ”Fasaleetigiina aaway…?” intaan iri ayaan gadaal u eegay sariirtii in uu dul saaran yahay iyo in kale… Mise maba saarna…! waxaan ka hoos eegay garbasaartii aan meesha ku kor tuuray misana ma laha…! waxaa igu soo dhacay Boorsadii yareed ooboorsa gacmeedka ahayd oo aan watay,inta ka fiiri iyana ma laha… iyadana waan ka soo tagay bakhtiga…! Naga wad…! ma Maskax aan ku xasuusto ayaan leeyahay….!!! Anigaaba teyda meelu la’ee……
Waa socotaa
La soco qeybaha kale
Waxaa Qorey:
Abshir Cali Warsame (Shire)